DEG DEG:-Diyaarad sida Muqtaar Roobow oo kasoo degtay Garoonka Aadan-Cadde

Wararka Idaacadda Dalsan ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ay kasoo degtay Diyaarad siday Muqtaar Roobow oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ee dhawaan Baydhabo la geeyay ay awood halkaasi uga soo wateen.

Saraakiil ka tirsan Garoonka  ayaa Dalsan u xaqiijiyay keenitaanka Roobow ee Muqdisho,iyada oo diyaarad khaas ah ay kasoo qaaday Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Howlgalka lagu soo kaxeeyay Muqtaar Roobow ayaa dad ku sugan Magalada Baydhabo waxa ay sheegayan inay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magalada Baydhabo.

Laamaha Amniga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka koonfur Galbeed weli kama hadlin sababaha keenay in Muqtaar Roobow Maanta si awood ah looga soo waday Magalada Baydhabo,isaga oo ahaa Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor