Kooxo hubeysan ayaa Goordhow qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Ciidamo la sheegay in ay ka tirsanaayeen kuwa dowladda Soomaaliya oo gaarayay ilaa laba Askari.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Jaadka ee degmadaas, waxaana Goobjoogaayaal ay sheegayaan in kooxaha hubeysan ay dhowr Xabadood ku dhifteen Askarta  oo ku sugnaa Suuqa Jaadka oo mashquul aad u daran uu ka jiray.
Kooxii dilka geestay ayaa sida la sheegay markale soo rogaal celiyay kuwaas oo hadana dhowr Xabadood ku dhuftay labadii Askari, iyaga oo intaas kadib goobta ka baxsaday.
Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Goobta gaaray kuwaas oo la sheegay in  rasaas ay fureen uu ku geeriyooday qof Shacab ah oo Suuqa ku sugnaa,
Sidoo kale Ciidamada ayaa wada  howlgallo baaritaano ah, inta badan dadkii ku sugnaa Suuqa ayaa la sheegay in ay kala carareen.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com