DEG DEG:-Dil Goordhow ka dhacay Magalada Baladweyne

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Caawa fiidkii waxa ay Magalada Baladweyne oo ah Xarunta gobolka Hiiraan ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Maaliyadda Gobolka Hiiraan.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cismaan Cali maadeey (Ganeey),waxana dilkiisa uu ka dhacay agagaarka Aargada Sheekh Xasan Barsame oo ka tirsan Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen,isla markaana Meydka Sarkaalka la dilay ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Baladweyne.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com.

Sponsered

Comments
Loading...