Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray Arrin saameysay Bulshada iyo xoolaha

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ayaa waxaa diirada lagu saaray warbixino laga dhagaystay Wasaaradaha kala duwan iyo xaaladahii u danbeeyay.

Waxaa falanqayn dheer uu golahu ka yeeshay xaalada abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa taas oo lagaga baaqasan karo masiibooyinka soo noqnoqday, sida lagu sheegay Madaxtooyada Maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale waxaa golahu uu ka dooday xal u helista bacaha taas oo saamayn weyn ku leh nolosha bulshada gaar ahaan xeebaha iyo xoolaha nool oo ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan, isla markana qeyb weyn ka qaadanaysa nabaad guurka deegaanka.

Arimaha amniga ayaa Wasaarada amniga laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada amniga, wuxuuna Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe faray Golihiisa Wasiirada inay dardar-geliyaan shaqooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor