Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo deegaanka Dhagaxyaale oo 50km u jira degmada Guriceel ee Gobolkaasi Galgaduud.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmuudg iyo Al-Shabaab,waxana dagaalka uu yimid kadib markii deegaanka lagu dagaalamayo ay soo galeen rag ka tirsan Al-Shabaab.
Dad ku sugan degmada Guriceel ayaa u sheegay Radio Dalsan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee aysan xaqiijin Karin,isla markaan dagaalka uu weli socdo.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com.