DEG DEG:- Dagaal culus oo ka socda Magaalada Muqdisho

Dagaal xooggan ayaa hadda waxaa uu ka socdaa qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana degmooyinka iyo Xaafadaha qaar si weyn looga maqlayaa dhawaqa rasaas culus oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

wararkuw axaa ay sheegayaan in dagaal culus uu ka qarxay Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir gaar ahaan KM4 waxaana hadda ka socda dagaal xooggan.

Dagaalka ayaa lagu soo warramaya in uu u dhexeeyo Ciidamo ay wataan Genaraal Indhacadde iyo Saadaq John oo isku dhinaca iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana hadda xaaladdu ay tahay Mid kacsan oo waxaa magaalada si weyn looga maqlayaa jugta hubka kala duwan ee ay isku adeegsanayaan labada dhinac.
wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor