Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaaladii maanta ka dahcay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaaladii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah caawa ka taagan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xudubeey Jimcaaale oo shir Jaraa’id Qabtay ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan ay soo galeen Magaalada, kuwaasi uu sheegay in ay qalqal galiyeen amniga guud, waxaana uu intaas ku daray in Ciidanka Dowladdu ay ka hotageen weerar uu sheegay in lagu soo qaaday Caasimadda.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay weerar la sheegay in lagu qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo sheegay  in uusan jirin dagaal lagu qaaday Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana intaas uu ku daray in arrintaasi ay tahay wax kama jiraan.

dhanka kale waxaa uu baaq u diray dadka shacabka ah ee ku nool Magaaladan Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana uu ugu baaqay in aysan ka qayb qaadan dagaalada kasoo cusboonaaday Magaalada ee u dhexeeya Dawladda iyo Mucaaradka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor