Ciidanka Dowladda oo weerar ku qaaday Hooyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerar la sheegay in Ciidanka Dowladdu ay ku qaadeen Hooyga uu ka daggan yahay Muqdisho gaar ahaan Miranaayada.

Xasan sheekh ayaa sheegay in Ciidamo ak amar qaata Madaxweyne farmaajo ay weerareen hoygiisa, waxaana uu intaas ku daray in wax waliba oo ka dhasha dhacdadaasi uu mas’iil ka yahay Madaxweyne Farmaajo.

“waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor