Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday  Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.
Doorashada  ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax kuwaas oo kala ahaa  Cabdullaahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) iyo Cabdulle Faarax  Xersi.
Tirinta codadka markii ay soo gaba gaboowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorshooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)
Xildhibaanka Cusub ee Maanta la doortay Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in doorashadan ay tijaabo u tahay Guddiga madaxa banaan oo laga sugayo in dalka aay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah,waxa uuna u mahad celiyey musharixiinta la tartantay.
Ugu dambeyn Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed sheekir Cali Xasan oo Goobjoog ka ahaa goobta ay doorashada ka dhaceysay ayaa sheegay doorashadaan ay uga duwan tahay doorashooyinkii horay loo qabtay maadaama Xarunta maamulka Galmudug ee dhuusamareeb lagu qabtay markii ugu horeysay Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka,waxa uuna kula dardaarmay xildhibaanka Cusub ee la doortay in sicadaalad ah uu Bulshadiisa ugu adeego.
Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka ee Maanta ka dhacday Magaalada dhuusamareeb ayaa aheyd tii ugu horeysay ee lagu qabto iyo tii ugu dambeysay,waxaana Xildhibaan Cabdullaahi Weli Faarax uu soo gaba gabeeyey Xubnihii ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo ilaa Saddex kursi oo kale lagu qabtay Magaalooyinka Kisamayo,Jowhar iyo Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Doorashadii Maanta.