Wararka naga soo gaarayo magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in Weriye Xuseen Xasan Dhaqane oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da si KMG ah loo sii daayey, kadib, markii ay Maamulka Gobalka Hiiraan shalay galab ku xireen Xarunta Hay’adda Sirdoonka ku leedahay Xeraddii Milliteriga ee Lama-galaay ee magaalladda Beled-weyne.
Tifaftiraha Radio Dalsan oo la xiriiray Weriye Dhaqane waxa uu u xaqiijiyey inuu haatan si KMG ah bannaanka u joogo, lagana soo saaray Xabsiga uu ku xirnaa.
Weriye Dhaqane ayaa u muuqday inuusan weli dib u helin Xorriyadiisa Shaqsi ahaaneed, isla markaana laga yaaabo inay Maamulka Gobalka Hiiraan mar kale u yeeraan, si ay wax uga weydiiyaan Eedeymaha ay sheegeen inay u haystaan.
Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan, Cali Jayte ayaa bixiyey Amarka lagu xirey Weriye Dhaqane oo ah Wakiil-wareedka VOA-da ee Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ee Somalia.
Xarigga Weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa waxa uu qeyb ka yahay Tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta ka hawl-gala gudaha Somalia, kuwaasi oo Dhibane Dulman u noqday Shaqsiyaadka ku caan baxay Xad-gudubka loo geysto Suxufiyiinta Madaxa-bannaan ee aan haysanin Hay’addo ka difaaca Tacadiyadaasi.
©Radio Dalsan