DEGDEG: Weriye Xuseen Xasan Dhaqane oo bartiisa Facebook ku xaqiijiyey inuu dib u helay Xorriyadiisa Shaqsiyadeed.

Wakiil-wareedka Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa si rasmi haan u helay Xorriyadiisa, kadib, markii ay Maamulka Gobalka Hiiraan gelinkii dambe ee shalay ku xireen Xeraddii hore ee Milliteriga ee Lama-galaay ee magaalladda Beled-weyne.

Qoraal uu Weriyuhu goor dhow soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyey in si dhmaystiran loo sii daayey, dibna u helay Xorrriyadiisa.

Halkan ka Akhriso:

9 mins ·

 
Waxaan u Mahadcelinayaa dhamaan suxufiyiintii ka qeyb qaadatay in aan dib xalay xuriyadeyda u helo.

 

Dhinaca kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa si kului loogu cambaareeyey  xarigii Weriyahaasi oo shalay galab lagu xiray magaalladda Beled-weyne oo 340-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladdan Muqdisho.

Weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa ah Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da uga wakiil ah Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media