Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya oo Darawal waday Gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomey Maanta ku dilay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho xili halkaasi uu ku sugnaa.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu yimid kadib markii Askariga iyo Darawalka uu muran soo kala dhexgalay,kaasi oo ku aadan in Askariga Marxuumka weeydiistay lacag dhan $1 oo u dhiganta (labaatan iyo Afar kun oo Shilin Soomaali ah) ,kadibna uu ugu jawaab maheysto,hayeeshee markii dambe rasaas uu madaxa kaga dhuftay,isagoon goobta uu ku geeriyooday.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Meydka Marxuumka loo soo qaaday Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee Darawalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqani Axmed Xaaji Xuseen,iyadoona la sheegay in Askariga falka geystay uu si caadi ah goobta uga tegay.
Falkaan ka dhacay deegaanka deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili barqanimadii Maanta Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Hotelka Shaamoow uu si bareer ah u dilay Haweeyney Naafo aheyd.