Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Sool

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta deegaan ka tirsan uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo tirsan Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda SSC.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid,kadib markii Ciidamo ka tirsan Jabhadda SSC ay jid gooyo u sameeyeen Ciidamada Soomaaliland xili ay socdaal ku marayeen deegaanka lagu magacaabo  Gambadhe oo Magaalada Laascaanood u jira qiyaas ahaa 28-KM,waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka nooyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan Gobolka Sool  ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan,isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Weli si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagalkii Maanta dhexmaray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda SSC,kaasi oo ka dhacay deegaanka Gambadhe oo Laascaanood u jira 28-KM.

Jabhadda lagu magacaabo SSC ayaa ka dagaalanta deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media