Alshabaab oo sheegtay inay dagaalka labanlaabayaan haddii ay Maraykanka u soo dhaqaaqaan gudaha Somalia.

Qoraal ay soo saareen Alshabaab ayey ku sheegeen in Weeraradii u dambeeyey ee ay ka fuliyeen Muqdisho ahaayeen Jawaabo labanlaabo ah oo looga soo horjeedo qorshaha Maraykanka ku kordhinayaan Dagaalka ka dhanka ah Alshbaab.

Kooxda Sirdoonka ee The SITE Intelligence Group oo la socota Kooxaha Islamiyiinta hubeysan ayaa saqdii dhexe ee xalay baahisay inay Wakaalladda Wararka Alshabaab qoraal soo dhigeen Baraha Bulshadda maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, kaasi oo lagu sheegay in Weeraradii u dambeeyey  jawaab kale u ahayd Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isbuucii hore ku dhwaaqay Dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Qoraalka waxaa lagu xusay in weerarkii Isqarxinta ee maalmihii Axadda iyo Isniintii hore ka dhacay Muqdisho ay tusaale u ahaayeen Jawaab-celinta Alshabaab ee ku aadan Go’aanadda ay Dowladaha Maraykanka iyo Somalia ka qaateen Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen Alshabaab.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Madaxweyne Donald Trump waxa uu ansixiyey in Milliterigiisa kordhin doonaan Duqeymha Cirka ee lagu beegsanayo Alshabaab.

Madaxweynihii hore ee Siomalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay Khatarta dadka rayidka ka soo gaari karta Duqeymaha Cirka..

Wareysi uu  Xasan Sheekh dhawaan siiyey Wargeyka Toddobaadlaha ee NEWSWEEK ayuu ku sheegay in loo baahan yahay inay Dowladda Federalka iyo Maraykanka si wadajir ah u fuliyaan Hawlgaladaai, iyagoo yeelanaya Iska warqab joogto ah.

Xigasho: AP

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media