Diplomaasiyiin ayaa sheegay inuu Shirkaasi bisha soo socota ee February 20-da ka furmi doono magaalladda Geneva ee dalka Switzerland .
Wada-hadalkaasi ayaa horey loo qorsheeyey inuu bilowdo bisha February 9-da, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya, Sergey Lavarov ayaa sheegay inay qaadaceen Shirkaasi.
Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Syria, Staffan de Mistura ayaa sheegay inuu isagu go’aamiyey Dib-u-dhacaasi, si horey loogu mariyo Shirka ay Ergadda Dowladda Syria iyo Kooxaha Mucaaradka ku yeesheen Caasimadda dalka Kasakhistan ee Astana.
Waxa uu intaasi ku daray inay QM ka qeyb geli doonaan Shir Farsamo oo bisha soo socota 6-da yeelan doonaan Wasiiradda Arrimaha dibedda ee dalalka Raashiya, Turkiga iyo Iiraan oo iyagu qabanqaabiyey shirkii ka dhacay dalka Kazakhistan.
©Radio Dalsan