U-qeybsanaha Hawlaha Ganacsiga ee Qunsulliyadda Guud ee Somalia ku leedahay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, Cali Xaaji ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Eqtisaadiyah , wuxuuna xusay in Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Deegaanka ee Sacuudiga ku xayirtay Xoolaha laga keenayo Somalia inay joojinayso ku-dhawaad 5,000 00 neef oo xoolo ah oo sannad kasta loo soo dhoofin jirey Sacuudiga.
U-qeybsanahaasi waxa uu tilmaamay inay kala shaqeynayaan Sacuudiga sidii xal looga gaari lahaa Xayiraadda lagu soo rogay Xoolaha Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Suuqa Sacuudiga yahay kan ugu weyn ee loo soo dhoofiyo Lo’da laga keeno Somalia.
Waxa kale oo uu xusay in hawlaha Doorashadda ee ka socota dalka dib u dhigtay sidii loo xalin lahaa xayiraadda Xoolaha loo soo dhoofiyo Sacuudiga.
Dhinaca kale, Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Deegaanka ee Dowladda Sacuudiga ayaa horey u sheegtay in sababaha ay u xayireen Xoolaha looga soo dhooin jirey Somalia tahay kadib, markii Tijaabo dhinaca Shaybaarka lagu ogaaday inay Xoolaha Somalia qabaan Xanuunka Rift Valley iyo Cuddurka kale ee xoolaha kaga dhaca Afka iyo Cagaha (Foot and mouth disease).
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ay Dowladda Sacuudiga ku xayirtay Xoolaha Somalia, waxay caqabad ku noqdeen qorshihii Sacuudiga loogu dhoofin lahaa 5,000 oo neef oo lo’ ah.
Xigasho: El-iqtisadiyah
©Radio Dalsan