Diyaaradaasi ayaa la sheegay inay ku degi doonto Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al-cudayda ee dalka Qatar, waxayna Diyaaradani qeyb ka tahay Diyaaradaha la qorsheynayo inay ka qeyb galaan Weerarka ay Maraykanka la maagan yihiin dalka Iiraan.
Telefishinka FOX NEWS ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay Diyaaradaasi maalintii Talaadada ka soo ambabaxday Saldhigga Ciiddanka Cirka Maraykanka ee Barksdale ee Gobalka Lusiyaana ee dalka Maraykanka, kuna wajahan tahay dalka Qatar.
Wargeys kale oo ka soo baxa Yuhuudda ayaa qoray in diyaaradda B52 ka gudubtay Hawadooda, iyadoo ku biiraysa Ciiddanka Maraykanka ee saldhigga ku leh dalka Qatar.
Diyaaraddaha Dagaalka ee B52 waxaa ku rakiban Gantaalladda Kuruuska iyo kuwa Nukliyeerka, waxayna awoodi karaan inay xambaartaan hub culayskiisu dhan yahay 32,000 oo Kiilogaram.
La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton waxa uu horey u sheegay in Markabka xambaara Diyaaradaha Dagaalka ee Abraham Linkoln ku soo wajahan yahay Bariga Dhexe, si looga hortago waxa uu ugu yeeray Khatarta Iiraan ku hayso Danaha Maraykanka.