Wararka saakay aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa waxaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ku qaadeen Saldhig Ciidanka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Shabeellaw oo aad ugu dhaw Magaalada Bacadwayn ee Gobolka Mudug.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in haatan ay maqlayaan dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo dagaalka la isku adeegsaday, isla markaana dagaalkaas uu yahay mid Culus.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalada cakiran ay jirto aaga uu dagaalka ka socdo ayna adeg tahay in Khasaaraha ka dhashay weerarka la ogaado, maadaama aan halkaas laga agdhawaa karin.
Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale weerar xoogan ugu qaaday Saldhiga Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Bacadwayn ee gobolka Mudug, isla markaana waxaa weerarkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.