Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Cabdiweli Ibraahim Sh Muudey ayaa xalay hoygiisa kulan kula qaatay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.
Kulanka dhexmaray Guddoomiye Muudey iyo Cali Geedi ayaa ku aadanaa salaam, is xogwareeysi la xiriira siyaasada Dalka iyo sidii loogu samatabixin lahaa xiligaan kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.
Qoraal uu soo saaray Muudey ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka uu kusoo gabagoobay si heer sara ah, isla markaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah.
Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa u mahadceliyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.