Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Jabhada uu hoggaamiyo Jen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud.
Dagaalkan u dhexeeya labada dhinaca oo bilowday waaberigii hore ee saakay ayaa sigaar ah uga socda xaafadda Nuur Xawaad ee Baladweyne, waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayaan Ciidanka Hirshabeelle iyo kuwa Jabhada Jeneraal Xuud oo xalay gudaha u galay Magaalada.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalka socda uu ka dhashay khasaaro, balse aan si rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Baladweyne oo ku aadan dagaalkaas.
Dagaalkan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Baladweyne ay gaareen inta badan Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isla markaana Maanta la filayo in markii horreeysay halkaas uu ka dhaco Shirka Golaha Wasiirada tan iyo markii la doortay Guudlaawe.
Baladweyne ayaa waxaa horey uga dhacay dagaalo iyo banaanbaxyo looga horjeedo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, waxaana duleedka Magaaladaas laga aas-aasay Jabhad uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud oo kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle.