In ka badan 300 oo Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha dalkaasi ayaa u firxaday Xuduudka dalka Tajakistaan, Karin, markii ay Kooxda Daalibaan la wareegeen Degmooyin ku teedsan Xuduudka ay Labada dal wadaagaan.
Ciiddanka u baxsaday dalka Tajakistaan waxay ka carareen Bar Talis u ahayd oo ku taalla Degmadda Khawahan ee Gobalka Badakhshan ee W/Bari Afghanistan.
Hadal ka soo baxay Milliteriga dalka Tajakistaan ayaa lagu xaqiijiyey inay Boqolaal ciiddamo u dhashay Afghanistan oo hubeysan loo oggolaaday inay ka soo gudbaan Xuduudka