Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay Muqdisho ayaa xalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Lafta-gareen oo safarkiisa ku wehlinayaan Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya Cabdulaahi Axmed Jaamac.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka dhacaya ee heshiiska laga gaaray iyo qodobo ku aadan deegaanada Koonfur Galbeed.

Cabdicaiis Lafta-gareen iyo wafdiga la socday ayaa Magaalada Addis Ababa uga sii gudbi doona dalka Niageria gaar ahaan Caasimada dalkaasi ee Abuuja, waxaana socdaalka uu ku tegayo halkaas uu qaadan doonaa 5 maalmood.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dalka Niageria ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira Arrimo shaqo, isagoona halkaas kulan kula qaadan doona Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Niageria.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor