Dagaal u dhexeeya Ciidanka DF iyo Al-shabaab oo ka socda degaano ka tirsan Hiiraan

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka degaanka ee macwiisleyda ah oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaanno u dhaxeeya Halgan iyo Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Warar laga helayo aaga dagaalka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka socda uu ka dambeeyay, kaddib markii ciidanka Huwanta ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay iyo saraakiil kale ayaa la tilmaamay inay hoggaaminayaan ciidanka howlgalkaasi fuliyay oo hadda dagaalka uu ku socdo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamo gurmad ah oo wata gaadiidka dagaalka oo ka kala baxay Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ay gaareen deegaanada ay dagaalada ka socdaan ee Halgan iyo Booco

Khasaaro kala duwan ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay dagaalka oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan weli la caddeyn inta uu la egyahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor