MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiir lasoo magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor