Madaxweyne Qoorqoor oo Maanta daah-furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa maanta furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Maamulkaas.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Dahir Ciid  iyo xubno kale oo kamid ah Maamulka.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo  mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad  ee Baarlamaanka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor