Dagaal ka dhacay duleedka Jowhar iyo khasaaro ka dhashay

Gelinkii dambe ee Maanta oo Axad ah ayaa waxa duleedka degmada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabelle uu dagaal ku dhexmaray dad beeraley ah.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaxeeyay dad beeraley ah oo kasoo kala jeeda tuulooyinka Maandheere iyo koongo ee degmada Jowhar,isla markaana beeraleyda ay isku qabsadeen dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla.

Dad ku sugan Magalada Jowar ayaa u sheegay Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho in xiisadii ka dhalatay dagaalkaas ay weli halkaasi ka taagan tahay.

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee dad ku sugan deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegayaan inay ka cabsi qabaan in markale dagaal uu dhaco.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Jowhar ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dagaalka dhexmaray beeraleyda,hayeeshee nooma suurtagelin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor