Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Saraakiisha Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Boolis Somaliyeed ayaa aroortii hore ee saaka booqday xarunta tababarada Ciidanka Booliska ee Gen. Kaahiye oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir.

Taliyaha ayaa  khudbad dhiirigelin iyo dardaaran isugu jirta u jeediyey ciidan tababar uga socdo xarunta tababarada ee Gen. Kaahiye asagoo faray inay yihiin kuwa beri iyo maanta laga rabo inay wadanka Soomaaliya amnigiisa xaqiijiyaan.

Sido kale Taliyaha Ciidanka iyo Taliye kuxigeenka ayaa booqday xarunta jazeera ee tababarada ciidamada Soomaaliyeed ee Turkisom asagoo ay xarunta dugsiga ku soo dhaweeyeen saraakiisha gacanta ku haysta ee walalaha Turkiga sidoo kale wuxuu soo kormeeray tababar u socda qayb ka mida Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo halkaas ku qaata tababar iyo casharo kala duwan.

Taliye Bashiir Cabdi Maxamed(Aneeriko)ayaa hadal kooban uu u jeediyay ciidankaas asagoo ku amaanay wanaaga iyo akhlaaqda fiican ee ay macalimintu ka soo gudbiyeen sidoo kale wuxuu amaan balaadhan u soo jeediyey macalimiinta iyo guud ahaan saraakiisha Turkisom ee gacanta ku haya xarunta tababarada ciidamada ee Turkisom.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor