Dad lala xiriirinayo weerarkii Al-Shabaab ee Hoteelka Dusit D2 ee Nairobi oo Maxkamad kasoo muuqday

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu maanta qoray in maanta 3 Eedeysane la soo tagaay Maxkamdda, kuwaasi oo ay Ciiddanka Boliska habeenkii Jimcihii ka soo xireen deegaano kala duwan oo ka tirsan Kenya.

Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka waxa loogu yero Argagixisadda ee ATPU waxay ka codsadeen Garsoorka Maxkamadda in loo oggolaado inay Eedeysanayaashaasi sii hayaan muddo 5 maalmood, si ay u soo dhamaystiraan Baraitaankooda.

Wargeyska waxa uu magacyadda dadka la soo eedeeyey ku kala sheegay  Cabdul Kibringi, Jeemis Mawaay Mawangi iyo Xabiiba Geeddi Hunshur, waa sida laga hor sheegay Maxkamadda.

Askari ka tirsan Ciiddanka Boliska ee ATPU oo lagu magacaaboNiyuutoon Mawangi waxa uu sheegay inay Eedeysanayaasha soo xireen Jimcihii, balse aysan weli baarin wicitaanka Telefoonadooda Mobaylka.

Waxa uu sheegay in baaritaan hordhac ah muujinayo inay Eedeysanayaasha xiriir la leeyihiin Eedeysanayaal kale oo ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ee ay bishan 15-dii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Saddexda Eedeysane waxaa la filayaa in dacwadooda la dhegeysto maalinta Jimcaha ee soo socota, sida uu qoray Wargeyska The Nation.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media