Dhageyso:-Madaxweyne Siciid Deni oo iclaamiyay shir lagu xalinayo khilaafka DFS & Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo shir jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayaa faah faahin ka bixiyay shirarkii Siyaasadeed ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Garoowe.

Waxa uu sheegay in shirarkaas ay isugu yimaadeen Siyaasiyini  ku kala aragti duwan xaalka Siyaasadee ee dalka,hayeeshee ay fursad weyn isugu heleen inay wada hadlaan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa tilmaamay in natiijooyin wanagsan ay kasoo baxeen shirarkaas,isla markaana Puntland laga codsaday inay marti geliso shir u dhaxeeya  Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay in shirkaasi Bisha Saddexaad ee Sanadkaan lagu qaban doono gudaha Magalada Garoowe,isla markaana uu rajeynayo in ay kasoo baxaan waxyaabo dan u ah Shacbaka Soomaaliyeed laguna dhameeyo khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Siciid Deni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor