Dad lagu soo qabtay oo Howlgal Culus oo weli ka socda Guriceel

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Guriceel Daahir Faarax ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo kala duwan oo ka socda gudaha Magaalada, kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay weerar loo adeegsadayn Bam-gacmeed.

Taliye Faarax oo warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga Galmudug ay howlgal kala duwan  ka wadaan Magaalada, isla markaana uu Ujeedkiisu yahay sidii loo xalin lahaa amniga.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in howlgalkaas lagu soo qabtay gaadiid badan oo ay ku dejisnaayeen miraayadaha Madow, kuwaasi oo la geeyay Saldhiga Booliska, si looga fiiqo Miraayadaha Madowga ah.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Guriceel ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ku guuleysteen soo qabashada waxyaabaha maandooriyaha oo la doonayay in lagu isticmaalo gudaha Guriceel, hayeeshee laga hortegay.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Daahir Faarax ayaa uu Digniin u diray gaadiidleyda ka howlgasha Magaalada Guriceel, wuxuuna u sheegay in cidii lagu arkayo, iyada oo gaarigeyda ku dejisan yahay Miraayadaha Madow laga qaado doono tallaabo adeg.

Ugu dambeyntii Ciidanka amniga Galmudug ayaa howlgalka kusoo qabtay dad dhowr ah  su’aallo laga waydiinayo, weerarkii xalay lagu qaaday Guri uu Guriceel dagan yahay Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah Gaashaanle sare oo ka tirsan Nabadsugida Galmudug.

Comments
Loading...