Wararka aan ka heleyno degaan hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah ayaa waxaa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Filla-dheere oo hoostega Warsheekh ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana falkaas dhacay kasoo baxaya faah faahino.
Laba Nin oo kamid ahaa dadka deegaanka Filla-dheere ayaa lagu dilay weerarka, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Ismaaciil Maxamuud iyo Cabdllaahi Maxamed Axmed oo loo yaqaanay Jeego.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka lagu dilay ragga uu la xiriiray aanooyin qabiil oo horey u dhacay, isla markaana waxaa si deg deg goobta dhul-howd ah ugu baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay.
Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa degaano hoostega degmada Warsheekh ku soo laab-laabtay weeraro iyo dilal qorsheysan oo salka ku haaya aanooyin qabiil oo horey u dhacay, waxaana xusid mudan in Colaadaha qaarkood heshiisyo laga gaaray, halka kuwo kalena aan weli xal loo helin.