Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Baraawe

Faah faahino ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo galabdhicii galabta Askari kale ku dilay gudaha  degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna caasimadda ah maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in labada Askari dilka kahor ay murmeen kadibna, uu askariga daraawiishta ah rasaas ku furay askariga kale oo ka tirsanaa ciidamada Militariga dowladda, sidaasna uu isla goobta ugu geeriyooday.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Koonfur galbeed ee Magaalada Baraawe Nuur Kar-kaar ayaa warbaahinta u sheegay in Askari ka tirsan daraawiishta degmada uu dilay Askari kale oo ka tirsanaa Militariga Soomaaliya ee ku sugan Magaalada.

Sidoo kale rasaasta lagu ceyrsanaayay Askariga falka geystay ayaa sii haleeshay qof shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu falka ka dhacay, wararka ayaa intaas kusii daraya in laamaha ammaanka Baraawe ay ku raad-joogaan Askariga dilka geystay.

Xaaladda degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna caasimadda ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa caawa daggan, mana jirto xiisad dilkaasi ka dhalatay oo ka taagan Baraawe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor