Telefishinka Dowladda Malaysia ayaa si Toos ah u soo bandhigay markii uu Boqor Salmaan Bin C/casiis ka soo degay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Kula Lampur, waxaana loo riday 21-Madfac oo Salaan Sharaf ah.
Boqorka waxaa soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Malaysia, Najiib Rasaaq, waxaana Munaasabad Qaran loogu sameeyey Barlamaanka dalkaasi.
Boqorka Sacuudiga waxaa uu hoggamainayaa Wafdi ka kooban 1,500 oo qof, oo isugu jira Wasiiro, Gnaacsato, Ilaalo iyo shaqaale kale, wuxuuna dalka Indonesia joogi doona muddo dhowr maalmood.
Dhinaca kale, Boqorka dalka Sacuudiga waxaa la rajeynayaa inuu dalka Indonesia booqdo bisha soo socota ee March 1-da ilaa 9-da, wuxuuna booqan doonaa Jersiiradda loo-dalxiis tago ee Baalli, halkaasi oo uu ku nasan doono.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inuu Boqorka Sacuudiga sidoo kale booqan doono dalalka Japan, China iyo Urdun.
©Radio Dalsan