Xabsiga weyn ee lagu magacaabp Qilinti kuna yaalla duleedka Caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba ayaa lagu soo waramay inuu xalay dab qabsaday ka kor inta aan laga dhex aqlin Is-rasaasayn.
Telefishinka Aljaziira ayaa baahiyey inay warar kala duwan ka soo baxayaan Khasaaraha ka dhashay dadka ku dhintay Xabsiga Qilinti oo inta badan lagu xiro Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.
Wargeys Gaar loo leeyahay ayaa qoray inay 20 qof waxyeelo ka soo gaareen Tacshiiradda ka dhaday Xabsigaas wuxuuna Wargeyska soo bandhigay qiiq ka baxayo Xabsigaas.
Dhinaca kale Idaacad taageersan Dowladda Ethiopia ayaa baahisay in hal qof la dilay, dhowr kalena lagu dhaawacay Xabsigaas.
Kooxaha u ololeeya Mucaaradka Ethiopia waxay tirade dhimashada dadka lagu dilay Xabsiga gaarsiiyeen inta u dhexeysa 20 ilaa 30 qof.
Ma jiraan Warar si Madax Bannaan u xaqiinayo Khasaaraha ka dhashay israsaasaynta ka dhaday Xabsiga ku yaalla duleeda Addis Abeba
©Radio Dalsan