Warbixin ay si wadajir maanta u soo saareen Hawlgalka QM ee Taageeridda Somalia (UNSOM) iyo Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (The UN Human Rights Council) ayaa lagu sheegay in 30 Weriye lagu dilay Somalia tan iyo sannadkii 2012-kii.
“Khataraha soo wajaha Shaqaalaha Warbaahinta waxay xaqiiqdii muujinaysaa in muddadii u dhexeysay August 2012-kii ilaa Junbe 2016-ka in wadar guud 30 Weriye iyo 16 Xildhibaan lagu dilay Somalia” ayaa lagu xusay Warbixinta oo intaasi ku dartay in la diwaan geliyey 120 Kiisas oo lagu xiray Suxufiyiinta…
Waxaa kaloo lagu xusay Warbixinta in Sharciga Cusub ee Warbaahinta Federalka uu damaanad qaadayo tiro Madax-banaanida oo ay ku jirto Xuquuqda in la isku wargeliyo.
Waxaa kaloo walaac xooggan laga muujiyey inuusan Sharcigaas si buuxda ugu caddayn Qiyaasaha Xorriyadda Hadalka, iyadoo ay dhaceen falal badan oo Suxufiyiinta loo geystay oo isugu jira dilalka weeraradda, Xariga, Jir-dilka, Warbaahinadda la iska xiro Qalabka oo la burburiyo iyo Websaytyadda oo la xayiro
Warbixin ay si wadajirka aanta u soo saareen Hawlgalka QM ee Taageeridda Somalia (UNSOM) iyo Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (The UN Human Rights Council) waxay tilaatay in Cabsida ugu weyn ee Weriyayaasha soo wajahdo kala kulmaan Xarakadda Alshabaab iyo Ciiddanka Ammaanka oo horey u geystay falal ka dhan ah Suxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta.
Sidoo kale Warbixinta waxay muujinaysaa in Dhaqdhaqaaq-yahanadda Siyaasadda iyo Suxufiyiinta ee lagu xiro Xarunta Hay’adda NISA si wadajir ah isku meel lagula xiro Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.
Dhinaca kale Madaxa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM, Zayd Racad Al-xuseyni ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka inay baaraan Tacadiyada loo geysto Suxufiyiinta lana soo taago Sharciga Dembiilayaasha dhibaateeya Suxufiyiinta.
Mas’uulkaasi oo u dhashay dalka Urdun waxa uu carrabka ku dhuftay inay Weeraradda ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo Ururadda Warbaahinadda ka horimaanayso Dimuqraadiyadda iyo inay xadgudub ku tahay Xorriyadda Hadalka iyo Xuquuqda Aadanaha
©Radio Dalsan