Ugu yaraan 5 qof oo rayid ah oo 2 ka mid carruur yihiin ayaa ku geeriyootay Hoobiye ku habsaday gaari Taksi oo ay la socdeen Gobalka Khandahaar ee Koonfurta dalkaasi, inkaastoo ay Daalibhaan beeniyeen arrintaasi.
Afhayeenka Boliska Gobalka, Jamaal Naasir Barekzaay waxa uu ku eedeeyey Ururka Daalibaan inay ka dambeeyeen Weerarkaasi.
Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa qarka u saaran inay la wareegaan Saddex Gobal oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka dalkaasi.
Afhayeenka Milliteriga Afganistan, Jeneral Ajmal Omar Shinwari ayaa sheegay inay xaallad khatar ah ka jiraan Goballadaasi, isla markaana ay Ciiddanka iska caabonayaan inay Daalibaan la wareegaan Gobalka Helmand.
Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Gobalka Helmand, Aayatullaahi Afqaan waxa uu sheegay inay Daalibaan kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Ciiddanka ku sugan Caasimadda Gobalkaasi ee Lashkar Gaah.