Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya ayaa waxaa saakay ka dhacay banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday xarigii shalay loo geystay Guddoomiyaha ismaamulka Gaarisa ee dalkaas.
Dadweyne careysan oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu baxay waddooyin ku yaalla Gaarisa, iyagoona sheegay inay aad xun yihiin xariga Guddoomiye Cali Bunow Qorane.
Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale watay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirrada Guddoomiyaha Gaarisa, waxaana ay dalbadeen in dib xorriyadiisa loo siiyo Cali Bunow, kadib markii shalay xabsiga loo tabaaxay.
Cali Bunow ayaa lagu soo eedeyay arrimo la xiriira musuq-maasuq, waxaana la sheegay in uu horay u lunsaday lacag aad u farabadan oo loogu talagalay in lagula tacaalo Cudurka halista ah ee COVID-19.
Ciidanka Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in in ay jiraan mas’uuliyiin kale oo maamulkiisa ka tirsan oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin musuq-maasuqa uu sameeyay Cali Bunow.