Xabaal wadareed laga helay degaan ay ka howlgasho koox diimeed

Booliska Panama ayaa sheegay inuu baarayo xabaal wadareed ay rumaysan yihiin inay ku jiraan haraadiga dad ay dileen koox diimeed.

Baarayaasha ayaa waxa ay isha ku hayaan soo faagista qalfoofka ku haray deegaan fog oo ku yaal gobolka waqooyi-galbeed ee ee Ngäbe-Buglé ee dalkaas halkaas oo ay ku nool yihiin dadka waddankaas loogu tagay.

Bishii Janaayo ayaa goob halkaas u dhaw waxaa laga helay xabaal-wadareed ay ku jireen maydadka todoba qof. Dhibanayaashaas oo lala xiriiriyay koox diimeed la rumaysan yahay inay qaadaysay weerrar ka dhan ah dad ay u arkaan inay dhibaato yihiin.

Dacwad ooge Azael Tugri ayaa sheegay in baarayaasha ay qasab ku noqotay inay muddo 10 saacadood ah buuraha fuulaan si ay u gaaraan xabaal-wadareedka, kaas oo laga helay dhinaca waqooyi ee gobolka Ngäbe Buglé, bartaas oo webi u dhaw.

Deegaankaas ayaa waxa uu 350km galbeedka ka xigaa magaalada caasimadda ah ee Panama City.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media