Wasaaradda Caafimaadka oo maalmo kadib ka hadashay kufsiga iyo dilkii Xamdi

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmo kadib Maanta ka hadashay kufsigii iyo dilkii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax Jimcihii lasoo dhaafay loogu geystay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kadibna dabaq laga soo tuuray.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa si kulul loogu Cambaareeyay falkii foosha xumaa ee lagula kacay Xamadi Maxamed oo aheyd gabar 19 jir ah oo sanadkaan dhameysatay waxbarashada Dugsiga Sare.

Wasaaradda ayaa sheegtay in falkaas uu ahaa Jariimo weyn oo lid ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana aanan marnaba loo dul qaadan karin, waxaana laamaha amniga dowladda ay dalbadeen in cadaalada lahor keeno raggii dambeeyay arrintaas laguna qaado ciqaab u dhiganta gabood falka ay geysteen.

Ugu dambeyn Siihayaha Wasiirka Caafimaadka Fawziya Abiikar Nuur ayaa tacsi u dirtay qoyskii, Eheladii iyo Ummada Soomaaliyeed ay ka baxday Xamdi Maxamed Faarax, waxaana falkaasn loo qabtay 4 ruux oo looga shakisan yahay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay si adag u Cambaaraynaysaa falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geestay Marxuumad Xamda Maxamed Faarax, Falkan argagaxa ah ee lagula kacay Marxuumad Xamda waa Jariimo weyn oo lid ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo aanan marnaba loo dul qaadan Karin.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxey Hay’addaha Caddaalada ee dalka ka dalbanaysaa in kuwii falkaan geystay la horkeeno caddaalada laguna qaado ciqaab u dhiganta gabood falka ay u geysteen Marxuumad Xamda Maxamed Faarax.

Siihayaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Fawziya Abiikar Nur iyo dhamaan shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Dhamaan umada soomaliyeed, gaar ahaan Ehelka iyo Qaraabada Marxuumad Xamda Maxamed Faarax, Ilaahay ha u Naxariisto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media