Dabley aan la aqoonsan oo Weerar gaadmo ah ku leysay Dad shacab ah

Dabley aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku sii jeeday suuq ku yaal waqooyiga Burkina Faso subaxnimadii hore ee Isniintii, halkaas oo ay ku dhinteen 10 qof, afar kalena waa la la’yahay, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Markoye ee gobolka Saaxil, sida ay wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegeen ilo ka tirsan wasaaradda amniga oo diiday in magacooda la shaaciyo.

Ugu yaraan shan sarkaal oo booliis ah ayaa Axaddii lagu dilay weerar la mid ah waqooyiga dalka waxaana sidoo kale lagu dilay 15 argagixiso, sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Burkina Faso ay u dabaal dageysay sanadguuradii 61-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamadeeda iyadoo xaflad diiradda lagu saarayay la dagaalanka argagixisada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor