Muuqaal ay Kaamerooyinka Qarsoon duubeen ayaa waxaa si cad looga dheehan karaa kaalinta ay 15-kii xubnood ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga Ku lahaayeen dilkii qorsheysnaa ee lagu dilay Saxafigaas.
Mustafa Maddani oo madax u ahaa kooxdaas waxa uu door weyn ka qaatay dilkaasi.
Waxaana uu dilkaasi kadib labistay dharkii, kabihii iyo Indha-gashigii uu lahaa Saxafigii la dilay.
Mustaf Maddani waxaa muuqaalka laga arki karaa isagoo ku labisan dharkii Jamaal Khashoggi oo ka sii baxaya Albaab ku taalla dhinaca dambe ee dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee Ku taalla magaallada Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxa uu albaabka ka baxay isagoo iska dhigayo inuu Jamaal Khashoggi ka baxay dhismaha Qunsulliyadda.
Sarkaalkaasi waxaa la socday xubin ka tirsan Kooxda dilka fulisay, kaasi oo watay bac la sheegay inay ku jireen hilibkii Saxafigii ay dileen.
Si kastaba ha ahaatee, Xogta Muuqaalkaasi waxaa la soo bandhigay hal maalin ka hor marka uu Madaxweyne Erdogan si rasmi ah u shaacin doono Natiijada xaqiiqda ee baaritaanka dilkii Saxafigii Jamaal Khashoggi.