Daawo sida Madaxweynaha Koonfur Galbeed loogu soo dhaweeyay Baraawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro, Xildhibaano iyo sayaasiyiin kale oo goordhow gaaray Magaalada Baraawe ee caasimada Dowladda KGS ayaa soo dhoweyn diirran kadib booqasho ku tagay dhismaha Airport-ka cusub ee Baraawe.

Muhiimada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu indha indheeyo xaalada deegaanka iyo guud ahaan mida Gobolka, waxaana shacabka u ballanqaadayaa in aan booqan doono dhamaan deeegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed isla markaana ka shaqeyn doono sidii la iskugu furi lahaa deegaanada loogana xoreyn lahaa Al-Shabaab ayuu yrii” Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen,

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya inta uu ku sugan yahay magalada Baraawe kullamo kala duwan la yeelan doona odayaasha dhaqanka, bulshada qeybahooda kala duwan, iyo maamulka Gobolka Shabellaha hoose iyo kan degmada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor