Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay khasaarihii uu geestay qarixii Zoobe

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caawa booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay ee 14 Octoper Ex Zoobe iyaga oo intaas kadib shaaciyay khasaarihii Guud ee uu geestay qaraxaas.

Wasiirka Warfafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Tirada Guud ee khasaaraha ku sheegay 642 qof oo 358 ka mid ah ay dhinteen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 56 ka mid ah dadkaas ay maqan yihiin 122 dhaawac ah howlo Caafimaad loogu qaaday dowladaha Turkiga, Sudan iyo Kenya).

Halka Dhaawacyadii Muqdisho ku haray 99 qof ay caafimaadeen oo ay guryahooda ku laabteen 7 ruuxna ay Isbitaalada ku jiraan.
Weli sidoo kale lama soo bandhigin khasaaraha hantiyeed ee halkaasi ku burburtay.

Sidoo kale waxaa mudo 5 Maalin kadib ah dib loo furay Goobtii uu qaraxa ka dhacay oo xirneed iyada oo Berito wixii ka dambeeya sideedii hore loo isticmaali doono.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media