Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalka Pakistan ayaa lagu sheegay inay xalay ka hor-tageen Markab dagaal nooca Badda quusa ee GUJISKA uu ku soo gali lahaa Xuduud-baddeedka ay la wadaagaan dalka Hindiya.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inaysan wax rasaas ah ku ridin Markabkaasi, balse ay uga digeen inuu si degdeg ah uga baxo Xuduudka Badda ee Pakistan.
Waa Isku-daygii Labaad ee Markab laga leeyahay dalka Hindiya ee ay Ciiddanka Badad Pakistan iska waabiyaan tan iyo sannadkii 2016-kii.
Dhacdadaasi ayaa timid, hal toddobaad kadib, markii ay Ciiddanka Cirka Pakistan soo rideen Diyaarad Dagaal oo laga lahaa dalka Hindiya oo ku soo xad-gudubtay Hawada Pakistan.
Duuliyihii Diyaaradaasi oo nolol lagu qabtay waxaa dib loogu celiyey dalkisia, taasi oo looga hortegay colaadda cusub oo dhex marta labadaasi dal ee haysta Hubka Nukliyeerka.
Hoos ka Daawo Muuqaalka.