Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa Gelinkii dambe ee Maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho laba Cisho ah oo uu ku tegay Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa ka warbixiyay Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, iyadoo ay ka wada hadleen Amniga, Ganacsiga, Maalgashiga, Hormarinta iyo la dagaalanka kooxda argagaxisada, wuxuuna wasiiru dowlada intaas ku daray in kulanka labada masuul uu ahaa mid dhaxalgal.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka