Gabadhaan ayaa waxa ay ku nooshahay Kaamka Badbaado oo duleedka ka ah Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magalada Cadaado,waxana la sheegay in ay la nooleed Hooyadeed,isla markaana Aabaheed uu mar hore geeriyooday.
Sacdiyo Macalin Isaaq oo ah Hooyada dhashay Gabadha ayaa sheegtay in Sideed Saac habeenimo ay Albaabka gurigooda u soo garaaceen laba Nin,isla markaana ay ka dalbadeen in ay albaabka furto,hayeeshee markii ay ka diiday ay Albaabka jebiyeen.
Waxa ay sheegtay in sidaasi ay guriga ku galeen,kadibna ay kufsadeen Gabadheeda oo da’deedu ay tahay 13 jir.
Xaaladeeda Caafimaad ayay sheegtay in xilligaan ay tahay mid soo hagaageyso,sila markana ala geeyay Isbitaalka weyn ee Magalada Cadaado.
Hoos Ka Daawo warbixin uu Magalada Cadaado ka soo diray Wariye Jile Jaamac Jile.