Guddoonka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxay maanta soo qabanqaabiyeen Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay Dibadbaxaasi ayaa sheegay inay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo.
Wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha inuu dadaal u galo sidii loo soo dhicin lahaa Xuquuqda Maqaamka Gobalka Banaadir.
Dibadbaxa maanta ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee hal Fagaare lagu qabto, iyado oay Tobanaan Kun oo qof oo ka kala yimid Degmooyinka Gobalka Banaadir isugu yimaadeen Barxadda Taalladda Daljirka Dahsoon ee magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan