Drs. Maryan Qaasim: “Somalia xilligan uma diyaarsana in Ra’isul-wasaare loo magacaabo Haweeney, haddana ah gabar ka soo jeeda Dadka laga tiro badan yahay”,

Wasiiradii hore ee Dr. Maryan Qaasim ayaa hadalkaas ku sheegtay twitter -keeda kadib marki dad badan ay baraha bulshada soo dhigeen iney ku habiibtayay Xisbiga TAYO, oo ay isla  ahaayeen Madaxweynaha, iyadoo ay waliba Guddoomiye ka ahayd.

Hadal-qoraal oo ay Drs. Maryan Qaasim soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay inaysan Somalia xilligan diyaar u ahayn in Ra’isul-wasaare loo magacaabo Haweeney ka soo jeeda Dadka laga tiro badan yahay.

Waxay intaasi ku dartay inay dadaal u geli doonan sidii ay awoodooda isugu geyn lahaayeen sidii ay Madaxweyne Farmaajo.u taageeri lahaayeen.

Drs. Maryan Qaasim Axmed waxay horey u soo qabatay Xilalka Wasiirnimo ee Caafimaadka, Waxbarashadda, Dhallinyarada iyo Sport-ga, iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladdii KMG iyo Dowladda Federalka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media