Hadal-qoraal oo ay Wakaalladda Wararka AMAQ ee jaalka la ah Kooxda Daacish baahisay ayaa lagu sheegay in saddexdii haween ee geystay weerarkaasi ay ka mid ahaayeen Taageerayaasha Kooxda Daacish, isla markaana ay fuliyeen Baaqii Daacish ee ahaa in la beegsado dalalka aan Islaamka ahayn.
Weerarkaasi ayaa ah kii ugu horreeyey oo ay Kooxda Daacish sheegato inay ka geysteen gudaha dalka Kenya.
Bishii May ee la soo dhaafay, Boliska Kenya waxay sheegeen inay fashiliyeen rag lala xiriirinayo Kooxda Daacish oo doonayey inay Kenya ka geystaan Weerar loo adeegsanayo Kiimikadda laga farsameeyo Antarakiska (Anthrax).
Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa hore u shaacisay in Haweenkii geystay Weerarkii lagu qaaday Saldhigga Boliska ee Mombasa inay tooreey ku dooxeen Sarkaal Boliska, isla markaana ay dab qabadsiiyeen Saldhigga Mombasa, ka hor inta aan saddexda haween la wada tooganin.
Warbixin ay soo saareen Maamulayaasha Kenya oo lagu baahiyey Warbaahinta dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Haweenka la dilay wateen Jaakadaha aysan xabbaduhu ka dusin, Suunka loo adeegsado Is-qarxinta iyo dhalo uu Baansiin ka buuxay.
©Radio Dalsan