• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

War-murtiyeedka Shirweynaha Isbahaysiga Isbedel-sameynta Soomaaliyeed

Bilan Media by Bilan Media
September 14, 2016
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
  • Isbahaysiga Isbedel-Sameynta Soomaaliyeed (Coalition for Change) oo ka kooban Murashaxiin Madaxweyne, Hogaamiyayaal Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa ku yeeshay shirweyne labo maalmood ah 8-9/09/2016 caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu.

Shirweynuhu ku markuu warbixin ka dhageystay xubnaha isbahaysiga ku aadan xaalada murugsan ee siyaasadeed, Nabadgelyo, Dhaqaale iyo Bulsho ee dalku marayo waxaa uu go’aansaday:

***
***

(1) Isbahaysigu wuxuu cadeynayaa in ay dhammaatay sharciyaddii Madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wixii ka dambeeya 10ka September, oo ay saacado ka harsan yihiin, wuxuuna dalbanayaa in xilka Madaxweyne loo dhaariyo 10ka September 2016 si ku-meelgaar ah Gudoomiyaha Barlamaanka, sida ku xusan qodobka 94aad iyo 94aad ee Dastuurka.

(2) Si loo ilaaliyo danaha is-burinaya (conflict of interest), maadaama uu Raysal Wasaare Cumar C/rashiid isku sharraxay xilka Madaxweyne 5tii September waa in uu xilku ku wareegaa Raysal Wasaare Ku-xigeenka.

(3) Hadii ay dhacdo in loo hogaansami waayo dustuurka dalka, Isbahaysigu wuxuu ku dhaqaaqayaa, isagoo horkacaya bulshada, dibad-baxayo nabadeed iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed illaa loo hogansamo dastuurka. Wuxuu sidoo kale Dacwad Maxkameed u gudbinayaa Makamadda Saree e dalka.

(4) In Murashaxiinta Madaxweyne ee doorashada 2016 ee ku bahoobay Isbahaysiga Isbedel Sameynta iyo hogaamiyaasha siyaasadeed ee xubnaha ka ah isbahaysiga ay u midoobaan sidii Hogaan Cusub dalku u yeelan lahaa, kaasoo bedela Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisa saacado ka dhiman yihiin .

(5) Isbahaysigu wuxuu dalbanayaa in uu xubno ku yeesho dhammaan guddiyada lafdhabarka u ah doorashooyinka 2016.

(6) Isbahaysiga Isbedel Sameyntu wuxuu u arkaa muddo kororsiga joogta ah ee ay Madashu ku kacayso in aysan waafaqsaneyn Dastuurka, laguna carqaladaynayo habsami-u-socodka howlaha doorashooyinka.

(7) Isbahaysigu ma aqbali doono in lagu kordhiyo xubin dheeraad ka ah 135tii oday-dhaqameed, ama si dadban loo sarrifo.

(8) Isbahaysigu wuxuu ka digayaa in hantida, hay’adaha maamulka iyo amniga, iyo warfaafinta Qaranka loo adeegsado doorashada musharrax Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid.

(9) Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay wadaan Isbahaysiga Xisbiyadda ee ku aadan daah-rogida musuqmaasuqa, boobka iyo dhaca dalka ka socday Afartii (4) Sano ee la soo dhaafay, waxaana si gaara Isbahaysigu uga digayaa in musuqmaasuq lagu sameeyo doorashada heerarkeeda kala duwan.

(10) Isbahaysigu wuxuu ka dalbanayaa Ciidanka Qalabka sida iyo AMISOM in ay ilaaliyaan ammaanka Musharaxiinta si isku mid ah, gaar ahaan Musharixiinta Madaxweyne iyadoo laga cabsi qabo in xilayadaan doorashada ay kordhaan dilal siyaasadeysan. Isbahaysigu wuxuu ku wargelinaya Ciidamada Qalabka sida iyo AMISOM in ay ka dhamaatay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xilkii Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

(11) Xoogagga Mucaaradka iyo Shacabka Soomaaliyeed oo is-garabsanaya in ay gudaha dalka iyo dibadaba ka bilaabaan olole nabadeed oo ka dhan ah musharrax Xasan Sheekh Maxamuud, oo awooddii dawladda doonaya inuu u adeegsado soo- noqoshadiisa, taasoo Halkudhigeedu yahay “Dhibtoonaye, Na Dhaaf”.

(12) Isbahaysigu wuxuu dalbanayaa in dadaalada maamul-u-sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe laga dhigo doorashada 2016 kadib.

(13) Isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa Urur-Goboleedka IGAD in uu joojiyo jajuubka, qasbidda iyo caga-jugleynta uu ku hayo Shacabka walaalaha ah ee labada gobol (Hiiraan iyo Sh/dhexe) iyo hogaanadooda siyaasadeed iyo dhaqan.

(14) Isbahaysigu wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa in ay dhex-dhexaad ka noqdaan doorashada 2016, oo aysan ku dagmin siyaasadda khilaafsan dastuurka dalka iyo xasilooniyada umadda, ee uu hogaminayo Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan kaloo dalbanaynaa in ay fursad siman siiyaan Musharraxiinta oo idil.

(15) Isbahaysigu wuxuu cadaynayaa in uusan qayb ka noqon doonin doorasho ku- shubasho ah, oo aan loo maamulayn si daah furnaan ah.

XUBANAHA ISBAHAYSIGA ISBEDEL SAMEYNTA SOOMAALIYEED

Xubanaha Isbahaysiga ee Shirka Goobjooga ka ahaa
1- Mudane C/weli Sheekh Axmed, Gud. Xisbiga Madasha Wadaniga, Murashax Madaxwayne 2016
2- Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Murashax Madaxwayne 2016
3- Mudane Cabdiraxman Sh. Maxamuud Faroole Murashax Madaxwayne 2016
4- Mudane Cabdullahi Goodax Barre
5- Mudane Xassan Macalin Maxamuud, Gudoomiyaha Xisbiga Daljir
6- Mudane Cabdullahi Axmed Xuseen (Coonka) Xildhian.
7- Mudane Saacid Abdullahi Dani Murashax Madaxwayne
8- Hon.Cabdullaahi Ciilmoge Xirsi, Gudoomiyaha Xisbiga Xiis.
9- Mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame Gud. Xisbiga Wadajir, Murshax Madaxwayne 2016
10- Mudane Cali Xaaji Warsame, Gud. Madasha Cadaalada & Hourumarinta, Murashax Madaxwayne 2016
11- Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gud. Xisbiga, Murashax Madaxwayne 2016
12- Mudane Ambassador Maxamed Cali Ameeriko, Murashax Madaxwayne 2016
13- Marwo Canab Maxamed Daahir, Murashax Madaxwayne 2016
14- Mudane Dr C/naasir Cabdulle Maxamed, (Gurmad) Murashax Madaxwane 2016
15- Prof. Cabdirahman Cabdullahi Badiyow, Gud.Xig. Xisbiga Madasha Wadaniga, Murashax Madaxwayne 2012.
16- Mudane Salaad Cali Jeelle Gud. Xisbiga Midnada iyo Dimuquraadiyada Soomaaliyeed.
17-Mudane Ambasador Eng Axmed Macalim Fiqi- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir.

18. Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan Caanooy (Barnaamij) – Gudoomiyaha Xisbiga Kulan-
19. Marwo Faadumo Dayib, Musharax Madaxweyne 2016
20. Mudane Cabdirisaaq Waaberi, Gud. Xisbiga MidnimoQarqan.
21. Mudane Mukhtaar Caynaanshe- Aqoonyahan.
22. Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Murashax Madaxwayne 2016

##Dhamad##

Previous Post

Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Mombasa.

Next Post

Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha oo Dhibane Soomaali u xukmisay magdhow Lacageed

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha oo Dhibane Soomaali u xukmisay magdhow Lacageed

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00